Oodweyne 02.Dec 2014 (SDN)- Dagaal gacmaha la isula tagay isla markaana gaadhay in rasaas la su adeegsado ayaa Barqadii Maanta magaaladda oodweyne ku dhex maray Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Dadweyne ka gadoodsan Lacag uu u soo doontay oo qaadhaanka wadooyinka ah.
dagaalka ka dhacay Oodweyne ayaa ka dhashay khilaaf dhex maray weftiga Wasiir Xirsi hogaaminayo iyo Xildhibaano Golaha Deegaanka ah, kuwaas oo siku qabsaday qorshe ay weftiga Xukuumadda ahi ku doonayeen in ay Gobolkaasi kaga qaataan lacag qaadhaan ah oo loo Ururiyey Jidka isku xidha Burco iyo Oodweyne.
Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa isku dayey markii ay wasiiraddu hadleen in ay ka jawaabaan oo ay isku dayaan in ay ku qanciyaan inaanay lacagtaas ku wareejinayn hase yeeshee Xildhibaan Waabeeye iyo Wasiiro uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xarriir ayaa amar ku bixiyey in la xidho Xildhibaan Ibraahim Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Deegaanka Oodweyne oo ku gacan saydhay weftiga lacagta ay doonayaan isagoo ku dooday Guddi ay Beeshu leedahay oo Hargeysa laga magacaabay in lagu wareejinayo.
Arrintan ayaa keentay in ay dadweynihii madasha joogay ka gadoodaan isla markaana waxa gacmaha isa saaray iyaga iyo weftigii taasoo keentay in askartii wasiiradda la socotay Rasaas Ooda kaga qaadaan dadweynihii, iyagoo qaarkoodna dhaawacyo cul culus gaadhsiiyey.
Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya magaaladda Oodweyne ayaa sheegaya weftigii wasiirada ahaa iyo Xildhibaan Waabeeye in laga soo saaray magaaladda isla markaana ay gabaad ka dhiganayaan koonaha xaafadaha Oodweyne.
Oodweyne SDN.
Qurbejoog.com
