Boorama 02.Jan 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu xilkii xisbiga iyo xilkiiba ka qaaday gudoomiyihii xisbigaasi ee gobolada Awdal iyo Salel Ismaaciil Geele Cadarre oo shalay shir jaraa’id oo uu Boorame ku qabtay in xuquuqda shacbiga reer Awdal ay ku raadsan doonaan qori caaradii.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga UCID, kaasi oo u dhignaa sidan:- “Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka waxa uu aqoonsan yahay jiritaanka iyo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland,yahay-na dal madax banaan.Waxa uu xisbiga UCID rumaysanyahay inay dhibaatooyin ka jiraan dalka gaar ahaan gobolada Awdal,Salal,Sool iyo Sanaag oo ay xukuumada kulmiye ku fashilantay.
Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxa uu shacabka jamhuuriyada Somaliland u cadaynayaa in Gudoomiyaha gobolada Awdal/Salal Mudane Ismaaciil Geele Cadarre shirka jaraa’id ee uu ku baahiyay warbaahinta keli ku yahay,tahayna aragtidiisa u gaarka ah balse aanu xisbiga UCID la qabin,kana soo hor jeedno gabi ahaan aragtiyahiisa.
Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka waxa uu rumaysanyahay dalku inuu u baahanyahay isbedel dhab ah oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sinnaansho balse dalku aanu baahnayn isku dhac iyo in dhiig lagu daadsho.
Sidaa darteed Gudida fulinta ee UCID shir ay ku yeesheen xafiiska xarunta xisbiga waxay xilkii ka xayuubiyeen Gudoomayahii gobolada Awdal/Salal laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014 kadib markay yiqiinsadeen inuu jebiyay qodobada dastuuriga ah ee kala ah qodobka 1aad iyo ka saddexaad,isla markaana jebiyay qodobada 7aad,8aad iyo 35aad ee xeerka xisbiga UCID.
Gudida fulintu waxa ay gudida anshaxa u gudbisay inay ka fadhiistaan xubinimada Mudane Ismaaciil Geele.”
Boorama SDN.
Qurbejoog.com
