Uncategorized

Magacyada Xildhibaano Isku Soo Taagay Guddoomiyaha Iyo Ku-xigeenkiisa Baarlamaanka Puntland Oo Dibadda U Soo Baxay

Garowe:03-Jan-2014(SDN)-Iyadoo ay dhawaan Baaramaanka Puntland dooran doonaan Guddoomiye iyo Ku xigeen, ayaa waxa soo Baxaya xildhibaano hunguraynaya inay Qabtaan Jagooyinka Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

guddonkaBaarlamaanka oo lagu wado inuu Maalinta Berri ah Doorto Guddoomiye iyo Ku xigeen, ayaa haatan waxa si Badheedh ah damacooda u sheegtay Xildhibaano Door ah oo qaarkood la sheegay inay u dhaw yihiin inay xilkaas helaan.

 

Tirada rasmiga ee musharixiinta la hayo, balse waxa wararka arrintan u dhuun daloolaa sheegayaan inay jiraan tiro cayiman oo xilkan isu soo sharaxday.

Wararka laga helayo Baarlamaanka ayaa sheegaya in Doorashadu Berri u dhici doonto qaab qarsoodi ah oo aan la ogaan karin cidda loo codaynayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa la sheegayaa inay u sharraxan yihiin kuwan u taagani:

 

1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi

 

2-Xildhibaan Siciid Xasan Shire

 

3-Xildhibaan Axmed Cali Xaaji

 

4-Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed

 

Musharaxiinta u taagan G Xigeenka

 

 

1-Xildhibaan C/risaaq Siciid Aadan

 

2-Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam

 

3-Xildhibaan Salaad Xareed Cali

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com