Anigoo ah Garyaqaan Xasan Cali Xasan (Banfas), oo ku hadlaya magacayga, magaca Garyaqaanadda Somaliland, Adeegga Sharciga (Legal Clinic)ee Jaamacadda Camuud, Barreyaasha iyo ardayda Sharciga intaba. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Axmed Qaalib Bulbul oo ku magacdheeraa (Sagal). Wuxuu ahaa nin madax dhaqameedna ah iskiina u shaqaysta, saaxiib baanu ahayn geeridiisana aad baan uga naxay, anigoo u ducayanaya waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskiisii, xaas iyo caruurtiisiiba. Sidoo kale waxaan ka tacsiyeynayaa shacabka Reer Borama iyo Hargeysaba, oo aad u jecellaa Axmed Qaalib oo ku magac dheeraa SAGAL. In Illahay Khaaliqa ahi, naxariistii Jano geeyo..aamiin…aamiin.
TACSI Kusocota qoyskii iyo asxaabttii uu ka baxay marxuum: AXMED QAALIB BULBUL (SAGAL)
