Hargaysa 06.Jan 2014 (SDN)- Guddomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in haddii xukuumada Siillaanyo ay kaligeed isku koobto wadahadalada Somaliya ay la geleyso in iyaguna ay talaabo qaadi doonaan taas oo ah in iyaguna ka Xisbiyo mucaarid ahaan ay wadahadalo gaar ah la yeelan doonaan somaliya oo ku aadan Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Faysal Cali waraabe wax kale oo uu sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini Karin xukuumada Siilaanyo.
Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayey Madaarka Hargeysa, isaga oo ka soo laabtay Safar muddo uu ugu maqnaa Dalka Imaaradka.
Faysal Cali waraabe ugu horeyan waxa uu ka hadlay Safarkii uu ku maqnaa ee Imaaradka Carabta waxaanu yidhi“Waxaan muddo safar ugu maqnaa Imaaradka Carabta oo halkaasi aanu ugu tagnay dad jecel somaliland oo karaamo leh, waxa ay nagala hadlayeen arrimo ku saabsan shirkii Dood Cilmiyeedka ee la qabanyo.”
Faysal waxa kale oo uu yidhi. “Haddii Xukumada Siillaanyo isku koobto shirka wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, anaga ka Xisbiyo mucaarid ahaan, waxaanu somaliya la furri doona Wadahadalo ku saabsan Masiirka Umada Somaliland.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
