Uncategorized

Xoghayihii hore ee wasaarada difaaca Mareykanka oo buug uu qoray ku weeraray Madaxweyne Obama

Washington Jan 08,2014(SDN)-Xogahayihii hore ee wasaarada difaaca Mareykanka Robert Gates ayaa buug uu qoray oo aan weli la soo bandhigin waxa uu uga hadlayaa wadashaqeyntii uu la lahaa madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama.

Robert Gate ayaa ahaa Xoghayihii u horeeyay ee wasaarada difaaca ee laba madaxweyne oo ka kala socda xisbi ee Democratska iyo Jamhuuriga.

“Madaxweyne Obama ciidamada waa uu aaminsanaa ee dagaalka Afgaanistaan iyo Ciraaq ma uu aaminsaneyn in uu yahay kiisii” ayaa yiri Gates.

Robert Gate ayaa waxa uu si xun uu weerary sida aqalka cadi ay faraha ula galeen hawlgalada ciidamada iyo ta wasaarada oo aaney waxba ka garaneyn.

Gates waxa uu sheegay in madaxweyne Obaama aanu aaminin talooyinkii ay u soo jeediyeen taliyeyaasha ciidamada Mareykanka.

“Obama waxa uu ku mashquulay uun sidii uu uga soo saari lahaa ciidamada Mareykanka Ciraaq iyo Afgaanistaan,mana aanu aaminin talooyinka saraakiisha ciidamada ee hogaaminayay hawlgalada”ayuu Gates ku qoray buugiisa.

Buugan ayaa aad uga duwan dabcigii looga bartay Robert Gates xiligii uu ahaa Xoghayaha Difaaca Mareykanka.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com