Garowe:08-Jan-2014(SDN)-Maadaama kaliya Saacado Koobani ka Hadhsan yihiin Xilligii Loo Ballansanaa inay Dhacdo Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Puntland, ayaa Habeenkii Xalay ahaa Magaalada Garoowe si aad ah looga dareemayey Loollankii ugu dambeeyey ee Musharixiinta oo Gunaanad ahaa.
Musharixiinta ayaa si weyn ilaa xalay saacadihii dambe ugu hawllanaa inay meel sii dhigtaan codadka ay la shir tegi doonaan, waxana mid waliba la sii dardaarmay Xildhibaanadii uu codkooda isku hallaynayey, isagoo musharixiinta kale ka ilaashanaya inay cidla ka helaan.
Saaka Ammaanka caasumadda ayaa si wayn loo adkeeyay mana jirto gaadiid isticmaalaya laamiga marka laga tago kuwo ciidanka iyo murashaxiinta,waxana lagu sii qul-qulayaa hoolka baarlamaanka Puntland oo ah goobta lagu dooran doono Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland yeelan doonto shanta sano ee soo socota.
Doorashadda ayaa ka duwan kuwii hore loosoo qabtay, waxana Goobjoogayaal ka ah Saraakiil Beesha caalamka ka socda iyo Dad kale oo Meelo kala duwan ka yimi.
murashaxiinta tartamaya ayaa kala miisaan culus.Dr.Gaas waxa uu soo noqday Raysilwasaare Soomaaliyeed,Farole Madaxwayne shan sano ah iyo wasiiro,Gen.Samater Wasiir Amniga iyo taliye boolis iyo ragg kale oo siyaasada caan ku ah ayaa halkaas ku sugan si ay calafkooda uga qaadaan hammigoodana uga midho dhaliyaan.
Dhamaan raggaasi u tartamaya madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa midba midka kale waxa uu doonayaa inuu ka guulaysto marka laga soo tago qadarta alle,waxaa indhaha caalamku si qoto dheer usoo eegayaan gollaha baarlamaanka oo iyagu wax dooranaya.
Saxaafadda ayaa hada kusii socota hoolka baarlamaanka si ay usii maraan baadhitaano adag oo kala danbeeya.
Wixii warar ah ee Doorashada Ka Soo Kordha Wararkayaga Dambe ayaanu idiinku soo Gudbin doonaa. Insha allah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
