NY Jan 08,2014(SDN)-Tira koob ay sameysay hay’ada JAMA ayaa lagu sheeciyay in tiradii ugu badneyd ee sigaar caba oo haatan dunida ku nool.
Sanadii 2012, waxa sigaarka cabi jiray maalin walba 967 million ruux oo dunida dacaladeeda ku kala nool,halka sanadii 1980kii ay 721 million oo ruux ay sigaarka cabi jireen maalin walba.
Warbixintan ayaa xogtan ku saleysay baaritaano ay ka sameeyeen 187 wadan oo dunida ku yaal.
Cabida sigaarka ayaa aad ugu badan wadamada dunida sadexaad ee caalamka oo ay xakameyn la’aani ka jirto.
Sidoo kale waxbixinta ayaa xustay in dadku iminka aad ula socdaan caafimaad xumida ka dhalata cabida sigaaraka balse tirada dadka dunida ku nool oo 50kii sanadood ee u danbeeyay laba laabmay ayaa sabab u ah kororka cabida sigaarka.
Wadamad adunida ugu dadk badan ee China.Ruushaka,India iyo bangaledesh ayaa dadka ugu badani sigaarka ugu cabid badan yihiin.
Qiyaastii 6.25 trillion sigaar ayaa sanadii 2012kii dunida laga cabay,afar ka mid ah toban walba raga dunida ayaa sigaarka caba halka labaataankii dumar ahi ay midi cabto sigaarka haatan.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com
