Uncategorized

Muzavani Iyo Kenyata Oo Si Weyn Uga Wada Hadlay Xaallada Nabadgelyo Ee Somalia Haatan Ku Jirto

Kampala:08-Jan-2014(SDN)-Iyadoo Wali aanay Ciidamada Waddamada Afrikaanka ahi Ka Jooga Somalia aanay Midho Fiican keenin, ayey Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo ciidamadodu Joogaan Somalia wax iska weydiiyeen Xaaladda Haatan  ee Dalka.

musavaniMadaxweynayaasha  oo guud ahaan ka Hadlayey Xaalado cusub oo k asoo kordhay dalal afrki ku yaalla sida Koonfurta Suudaan oo kale, ayaa si weyn u lafo guray Horumarka ay keeneen ciidamada Afrikaanka ah ee ku sugan somalia iyo sidii arrintaas loo sii adkayn lahaa mustaqbalka dhow.

Labada madaxweyne ayaa sheegay in Soomaaliya ay qeyb ka tahay wadamadooda Ciidamadooda ay ka howlgalaan,islamarkaana u jeedkooda ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen xasilinta dalka dagaalada ka soo kabsanaya.

 

Yuweri Muzavani,madaxweynaha Uganda ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisu marnaba  aanay hoos u dhigi doonin taageerada Soomaaliya inay sii kordhiso mooyee, waxana uu sheegay inay muuqato ifafaale fiican oo muujinaya in somalia caadi ku soo noqonayso.

Wuxuu balan qaaday madaxweyne Yuweri Muzavani in la dagaalanka Al-shabaab hore qeyb uga soo qaateena hadana sii wadayaan oo aanay Halkaas kaga Hadhi doonin, maadaama La aaminsan yahay inay Masuul ka yihiin dhibka Haata somalia ka taagan.

 

Sidoo kale madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa hadalkiisa ku sheegay inay ka go’an tahay sii wadida dagaalada lagula jiro wuxuu ugu yeedhay argagixisada,isagoona Soomaaliya ku tilmaamay meel dib kaga soo kabsaneysa dagaalo in mudo ah ragaadiyay una baahan dib u soo kabsasho iyo kaalmo caalami.

Labada Mas’uul ayaa arintaan isla soo hadal qaaday xilli ay ka  Hadlayeen xaalada cakiran ee ka taagan Koonfurta Suudaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen.

Labadan masuul ayaa ciidan xooggani ka jooga soomalia, waxana ciidankaasi ka qayb yihiin xooggaga Amisom ee Halkaas ku sugan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com