Hargaysa 08.Jan 2014 (SDN)- Wefti balaadhan oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa goor dhaweyd u kicitimay caasiamadda Dalka Itoobiya.
Weftiga Reer Somaliland waxay kala yihiin wasiiradda Madaxtooyadda,Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibeda, Arrimaha Bulshada, halka Xildhibaanada la socdaana ay kala yihiin labada Guddoomiye ku-xigeen ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland oo uu wehelinayo xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta ugu waramay qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa ayaa war fidiyeenada u sheegay in ay ka qayb galayaan Aqoon isweydaarsi ka dhacaya caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis ababa.
Wararka ayaa sheegaya in weftigan laga yaabo in ay dalka Imaaraadka u dhaafayaan hase yeeshee xog dheeraad ah lagama hayo in ay dalka ku soo noqon doonaan iyo inkale, wallow wararka qaar sheegayaan in wasiirka arrimaha dibedu dalka ku soo laabanaya isagoo u kicitimi doona safar Madaxweynaha Somaliland toddobaadkan ku tagi doono Dalka Ingiriiska.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
