Uncategorized

Maamulka Sare ee Golaha Deegaanka Boorama oo Awaamiir iska Hor imanaysa soo Saaray Halkan ka Daalaco

Borama 08.Jan 2014 (SDN)- Waxa xafiisyada ay fadhiyaan sedexda sarkaal ee ugu sareeya maamulka Dawlada Hoose ee Boorama ka soo baxay waraaqo amaro ah oo dhinaca shaqada khuseeya, balse salka ku haya khilaafkii maalintii Isniintii dhex maray maayarka iyo maayar ku xigeenka Boorama, waxana ay waraaqahaas ku socdeen masuuliyiin kala saraysa, waxana ay xambaarsanaayeen nuxur salka ku haya saxeex joojin.

Warqada u horaysa oo ka soo baxday Xafiiska Maayarka Boorama Md. Mudane Saleebaan Xasan Xadi waxa ay ka soo baxday isla maalintii khilaafku dhacay oo ah 6/1/14, tixraaceeduna ahaa DHD/M/097/2014, waxana cinwaan looga dhigay DIB U SIXID SHAQO, waxana ay ku socotay Gudoomiye ku xigeenka Golaha oo ah masuulka uu khilaafku ka dhaxeeyay Maayarka, waxana Ogaysiinta la siiyay hayadaha kale ee ay shaqadu khusayso oo ay ugu muhiimsanayd WAAXDA DHULKA ee D/HOOSE ee Boorama, waxana nuxurkeedu ahaa in inta ka horaysa khaladaad dhacay oo sababay khilaaf aawadeed, uu shaqadii uu masuulka ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Golahu ka joojiyay.Waa kan nuqul ka mid ah warqadaasi

Warqadda-Maayarka.jpg1

Waraqada Labaad oo ka soo baxday xafiiska Gudoomiye ku xigeenka Md. Maxamed Faarax Dheerayste, taariikhdu markii ay ahayd 8/1/2014. Sumadeeduna ahayd XD/DH/DB/01/2014, cinwankeeduna ahaa WARGALIN, waxa ay si toos ah ugu socotay Gudoomiyaha Golaha degaanka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi, waxana uu nuxurkeedu xambaarsanaa in gudoomiyuhu aanu shaqada ka joojin karin gudoomiye ku xigeenka maadaama la wada doortay, awooda shaqo joojintana ay iska leedahay oo kaliya golaha degaanku, sidaas Aawadeed ay shaqadu sideeda u soconayso.warqadda-maayar-Ku-xigeenka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

waraaqda-xoghayaha

 

Warqada Sedexaad oo ka soo baxday xafiiska Xoghayaha Fulinta ee D/Hoose markii ay taariikhdu ayad 8/1/2014, sumadeeduna ahayd, DH/DB/02/2014, waxa cinwaan looga dhigay TOOSIN SHAQO, waxana lagu socodsiiyay XAFIISKA DHULKA ee D/HOOSE iyo Waaxda Hawlaha guud ee D/Hoose ee Boorama, iyada oo ogaysiinta la siiyay Labada Masuul ee is khilaafsan iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, waxana uu nuxurkeedu yahay in xafiisyada sida tooska ah ay ugu socoto warqadani ay ogsoonaadaan in Saxeexyadii arimaha dhulka uu la wareegay Gudoomiyaha Golaha degaanka ee Boorama.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa xusid midan in waraaqahan oo awaamiir kala duwan bixinaya ay sii hirinayaan khilaafka u dhaxeeya labadan masuul, oo waan waan lagu dhexdhexaadinayo ay socoto, ilaa hadana ma jiraan cid saxaafada uga warantay waxa ay ku dambeeyeen hawlahii shaqo ee dadwaynaha loo hayo

Boorama SDN.

Qurbejoog.com