Uncategorized

Ciidamada Badda ee Australia oo oo jir dil iyo mustaafuris isu raaciyay Qaxooti Soomaali ah

Jakarta Jan 09,2013(SDN)-Ciidamada badda ee dalka Australia ayaa isugu daray tacadiyo isugu jira jir dil iyo aflagaado Qaxooti Soomaali u badan oo gaaray jaziirada Canberra.

Ciidamada ayaa hareereeyay  Qooxootiga ka dib kolkii ay doontii ay wateen biyuhu ku duween jaziirada ka dibna garaacay khasabna ugu soo celiyay biyaha Indonisiya.

Soomalaida iyo qaxooti kale oo Suudaan ka soo jeeda ayaa haatan lagu hayaa Hotel ku yaal Kupang waxaaney uga warameen saxaafada sidii ay ciidamada Australia ula dhaqmeen.

“Waxa nalaga xiray gacmaha,waanala garaacay,waxaana lagu yiri waxaad tihiin daayeero Africa ka yimi”ayuu yiri Yusuf Ibraahim oo Sudan ka soo jeeda.

Cabdulaahi Axmed oo Soomalai ah ayaa isna tacadiya u xaqiijiyay saxaafada Indonosia.

Dawlada dalka Australia oo Jakarta beryahani xurguf u dhexeysay ayaa difaacday hab dhaqanka ciidamadooda Badda.

“Ciidamadayada Badda waxaan hubaa in ay mar walba u dhaqmaan si xushmadi ku dheehan tahay,mana doonayo in aan ka hadlo dhacdadan”sidaa waxa saxaafada u sheegay wasiirka Soogelootida Scott Morrson.

Dawlada Jakarta ayaa si weyn uga carootay in ciidamada Australia ay biyahooda u soo jiido doon qaxooti ka buuxo iyada oo aan la soo socodsiin.

Australia ayaa haatan si adag ula maacaamisha qaxootiga nolol doonka ah ee dalkaa bartilmaansada.

SDN-Jakarta
contact@somalidiaspora news.com