Uncategorized

Weftigii Somaliland ee Ku Sugnaa Wadanka Itoobiya oo Kulan Maanta la qaatay Madaxweynihii Hore ee Nigeria Mr. Obasango

Addis Ababa 09.Jan 2014 (SDN)- Waftiga Jamhuuriyada Somaliland  uga qayb-galayey wada hadalada dalka Somaliya oo ku sugan magaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia, oo maal-maha inagu soo aadan u amba bixi-doona dalka Turkiga, ayaa maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango.

 

Waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,  Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirka madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii kala duwanaa ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-lasoo noqoto Jamhuuriyada Somailand.

 

Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango, guud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand.  Heerarkii  nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimoqraadi yada Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin iyo sharci distoori ah ku qotanta.

 

Waxa kaloo intaas ay ugu dareen xog waranka  ay siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango. In Somaliland   kaalin nabad-galyo oo muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika, oo dhibatooyin badan oo soo jiitamay oo mahadhi waaya ka jireen mudo dheer.

 

Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango. oo horeba xog buuxda uga haystay xaalada Somaliland, waxa uu ku amaanay dowlada iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadhay iyo talaabooyinka ay qaaday oo  mudan iyo kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku daydaan ay tahay wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr. Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh labada dhinacba ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan.

image_9image_8image_7image_6image_5image_4image_3image_2image_1image

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com