Uncategorized

Is Mari Waaga dhismaha Xukuumada Cusub ee Ra’isal Wasaare C.weli iyo Sawirka Caawa

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Waxaa maalmihii u danbeeyay Guux Siyaasadeed uu ka Taagnaa Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia kaas oo Salka ku hayay Khilaaf Hor leh oo ka dhex Curtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal Wasaarihiisa C.weli kaas oo Gun Dhigiisu yahay Magacaabista Xubnaha Golaha Wasiiirada oo ilaa iyo haatan uu Ra’isal Wasaaruhu ka go’aan qaadan la’a yahay Madaxweynaha oo la sheegay inuu danaynayo in Xubno ku Jiray Golihii Wasiirrada ee Xukuumadii Saacid oo uu Xidhiidh dhaw la leeyahay uu ku rabo in lagu soo daro dawlada cusub.

Sawirkan ayaa Muujinaya Madaxweyne Xasan oo lagu Cabsi gelinayo in Laba Cabdi Weli ay Hortaagan yihiin damiciisa Isaguna uu Fooxa u Shitay.

Laba Cabdi Weli

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com