Uncategorized

Xisbiga Ucid oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Saddex Masuul Oo Ceerigaabo Kaga dhawaaqay Inay ka baxeen Xisbiga

Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)-Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa caawa jawaab ka bixiyay saddex xubnood oo ahaa madaxda xisbigaasi  ee gobolka Sanaag oo sheegay inay ka baxeen xisbigoodii, ka dib markii ay eedo kala duwan u soo  jeediyeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

yuusuf ucidSaddexdan xubnood oo kala ahaa Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Xasan (Baradho), Guddoomiye ku xigeenkiisii Yuusuf Mataan iyo Afhayeenkii xisbiga ee gobolka Sanaag Cabdi Garayo-cad, ayaa Xoghayaha warfaafintu sheegay inay nin qudha ka garanayaan kaasi oo ah ninka ku magacownaa gudoomiyaha xisbiga ee Sanaag.

 

“Horta saddexda nin ee caawa “Xalay” warbaahinta laga sii daayay ee sheegay inay xisbiga ka baxeen, xilalkiina iska casileen, waxaanu ka garanaynaa xisbi ahaan nin qudha oo ah ninka ku magacownaa Guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Sanaag ee la yidhaahdo Baradho. Ninkaas oo dadka deegaanku ay ka soo cabanayeen oo ay xarunta xisbiga soo gaadh siinayeen cabashadooda oo ay lahaayeen dusha ayaad nagaga keenteen oo waxay ahayd in laga dhex doorto gudoomiyaha xisbiga gobolka dhexdiisa,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta  UCID .

 

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku ladhay “Markii masuuliyiinta xarunta dhexe ee Xisbigu u sheegeen Mr. Baradho in dadkii deegaanku ay ka soo cabanayaanna waa kan yidhi xisbigii ayaan ka baxay ee uu ogaaday in xilka laga qaadayo. Labada nine ee kale ma garanayno xil ay hayeenna ma jirin.”

“Beryahan dambe xisbigu waxa uu waday dib u habayn balaadhan oo waxaad la socoteen in xilkii laga qaaday cid kasta oo masuuliyadii saarnayd ka soo bixi wayday. Waana tallaabo xisbigu sii wadayo oo qof kasta oo masuuliyadiisa ka soo dhalaali waayaba seefta isku shaandheyntu way taabanaysaa,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Xoghaye Yuusuf Kayse waxa uu ku dooday in xisbigu yahay xisbi guun ah oo taageereyaashiisu sii kordhayaan, waxaanu tilmaamay in hal iyo laba ka baxay aanay wax saamayn ah ku yeelanayn xisbigooda.

Hargeysa SDN.

Qurbejoog.com