Uncategorized

Dawladda Somalia Oo Qiratay Joogitaanka Saraakiil Maraykan ah Oo Saxaafaddu Hore u Shaac Bixisay Warkooda

Muqdisho:15-Dec-2014 (SDN)-Dawladda Federalka Somalia, ayaa markii ugu horraysay Xaqiijisay Warar Warbaahintu qoraysay oo sheegayey inay Saraakiil marayakan ahi ku sugan yihiin somalia.

fsfSiihayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka warqabto saraakiisha Mareykanka ee jooga Muqdisho.

Wuxuu sheegay in saraakiishani ay caawinayaan ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo bixinaya talooyin dhanka ammaanka ah si Soomaaliya ay nabad unoqoto.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in saraakiishaasi tiradooda ay gaadhayaan ilaa shan sarkaal ayna yimaadeen dalka Soomaaliya October Sanadkii aan soo dhaafnay.

Ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay talooyinka ay siiyaan saraakiisha Mareykanka inay ku aadan tahay sidii looga guuleysan lahaa xoogaga Shabaab ee Dowlada dagaalka kula jira.

Dhawaan saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay qirteen in Soomaaliya ay ka joogaan ciidan aan badneyn, balse tiradooda ay ku sheegeen ilaa iyo shan sarkaal oo talooyin dhanka ammaanka ah siiya Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Al-Shabaab oo dhawaan ka hadlay ciidanka Mareykanka ee Muqdisho jooga ayaa sheegay in marka hore Soomaaliya aanu ka marneyn Mareykanka, balse iminka uu si toos ah ucadeystay.

Arrintan ayaa caddayn u ah qoraalo ay maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta afka soomaaliga ku hadashaa ka qoraysay saraakiishan maraykanka ah ee ku sugan ciidda soomaalia.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com