Toronto Jan 15,2014(SDN)-Waalidiinta Soomaalida ee magaalada Toronto ayaa isu soo bax ay ku diidayaan manhaj loogu talo galay Ardayda Soomaaliyeed waxa ay ka hordhigeen wasaarada Waxbarashada.
Manhajka ayaa waxa uu u ogolaanayaa ardeyda Soomaaliyee ee magaalada Toronto wax ka barata in ay qaataan duruus Soomaaliya ka hadleysa,deeqo waxbarasho iyo taakuuleymo dheeri.
Waalidiinta ayaa dhankooda ka cabanaya in soo jeedimahaasi ay Ardryda Soomaalida ka faquuqi doonto ardeyda kale ee Toronto wax ka barata.
“Caruurteenu waa Canadian waana in ay waxbarashadooda u qaataan sida ardeyda kale ee dalkan ku dhashay”sidaa waxaa tiri Suuban Cabdulaahi oo isu soo baxa joogtay.
Wasaarada waxbarashada ayaa guddi dhawaan u saartay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waxbarasho ee heysta caruurta Soomaaliyeed ee Toronto ku nool.
Waalidiinta ayaa sidoo kale sheegay in kulamadii guddida lagu magacaabay aan si habsami ah loo gaarsiin bulshada Soomaaliyeed.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com
