Uncategorized

Wafdiga Dawladda U Metelaya Wadahadallada Dawladda Federaalka iyo Somaliland Oo Saaka Ka Ambabaxay Muqdisho

Muqdisho 15Jan14(SDN) Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya  wada hadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Somaliland ayaa saaka ka ambabaxy Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Samad oo ka mid ah wafdigaasi oo la hadlay qurbejoog wax yar ka hor inta aysan ka ambabixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u sheegay in wada hadaladaasi ay ka dhici doonaan dalka Turkiga maalinta beri ah oo taariikhdu ku beegantahay 16 Janayo 20014.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ajandaha kulanka ay isla qorsheyn doonaan labada dhinac marka uu kulanku bilowdo, waxuuna xusay in wadahadalladani yihiin wareeggii Sadexaad oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo  Somaliland.

 

qurbejoog.com

Muqdisho