Uncategorized

War Deg Deg ah: Wada Hadaladii Deegaankii Shaqaaqadu ka Dhacday oo Joogsaday iyo Amar adag oo uu Bixiyay Wasiirka Arrimaha Guduhu

Oog 15.Jan 2014 (SDN) Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Docaha ayaa sheegaya inuu Joogsaday Wada Hadalo u socday labadii ardaa ee dagaalka Hubaysan isaga Hor Yimid isla markaana Isu gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca kadib markii ay isku mari waayeen qaabkii dagaalkoodu ku Yimid .

vlcsnap-2014-01-14-19h37m42s0Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo hogaaminaya Weftiga Xukuumada ayaa Meel adag iska Taagay Isu tanaasul la’aanta labada dhinac waxaanu u Soo Jeediyay in Mudo Afartan Daqiiqo ah hadii ay Wax Go’aan ah ku gaadhi waayaan inuu Si Toos ah  ugu dhaadhicinayo Xabsiga Mandheera.

Wasiirku Waxaa kale oo uu Heegan Buuxa Geliyaya Ciidamada Qaranka ee ku Sugan Jiida Deegaankaas,Hore ayaa labada beelood waxay u sheegeen inay qaateen Nabadgalyo buuxda iyo Xabad Joojin dhaqangashay.

 

vlcsnap-2014-01-14-19h37m05s206Wixii Warar ah ee ka soo Kordha Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com

Oog SDN.

Qurbejoog.com