Uncategorized

Madaxweynaha Somalia oo Waraaqihii aqoonsi ka Gudoomay Safiirka Faransiiska iyo Ra’isal Wasaaraha oo Qaabilay

Muqdisho 15.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka dowladda France u qaabilsan dalka Soomaaliya, Remi Marechaux.

Xasan-Sheekh-iyo-Remi-Marechaux-374x300Wasiirka arrimaha dibadda ee xilkeedu sii dhammaanayo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa goob-joog ahayd kulanka uu madaxweyne Xasan waraaqaha uga guddoomay safiirka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Remi Marechaux ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxweynaha dalkiisa, Francois Hollande.

Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay sida dowladda France ay diyaar ugu tahay ka taageerista Soomaaliya dhinacyada ammaanka iyo maal-geshiga.

Cabdiweli-Sheekh-iyo-Neil-Wigan-300x271Geesta kalena Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulankii ugu horreeyay maanta oo Arbaco ah la qaatay safiirka dowladda Britian u qaabilsan Soomaaliya. Neil Wigan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taageerada Britain ay siiso Soomaaliya, howlaha waa-weyn ee hor yaalla xukuumadda cusub iyo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah marka la gaaro 2016, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa uga mahadceliyay Britain taageerada ay la garab taagan tahay xukuumaddiisa.

“Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Britain waa mid taariikhi ah oo sal adag, waxaan dowladda Britain uga mahadcelinayaa taageeradeeda xooggan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay
Soomaalida, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka,” ayuu yiri raysul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Danjire Neil Wigan ayaa isna ugu hambalyeeyay raysul wasaaraha magacaabistiisa, wuxuuna la wadaagay farriin ka timid raysul wasaaraha Britain, David Cameron oo ahayd in Britain ay ka go’an tahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com