Uncategorized

Madaxweynaha Punt land oo Shacabkiisa ka Dalbaday inay Talo ka soo Siiyaan Wasiirada uu Magacaabayo

Garowe 15.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in wasiirrada maamulka uu soo dhisi doono uu ku soo xuli doono aqoon, isla markaana aysan jirin cid gaar ah ama shakhsiyaad qabiil lagu soo xuli doono.

gaas(1)Cabdiweli ayaa u soo jeediyay qeybaha bulshada in ay ku soo wargeliyaan shakhsiga ay aamisan yihiin in uu gudan karo howsha iyadoo aan loo eegeyn qabiil.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay qeybaha bulshada oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ka qeyb galayaasha kulanka, wuxuuna tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada si uu sharciga u shaqeeyo, looguna gudbo nidaam dowladeed.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com