Hargaysa 15.Jan 2014 (SDN)-Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay Gole ahaan taageersan yihiin hanaanka wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u socdaan.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maanta wareysi siiyay Telefishanka Bulsho ayaa tilmaamay in wada-hadallada u dhexeeya dawladda Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumadda iyo goleyaasha qaranku ay ka qaateen go’aan loo dhan yahay.
Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi, “Somaliland inay la hadasho dawladda Soomaaliya wuxuu ahaa mawqif loo dhan yahay oo qaranku qaatay, haddii ay axsaab tahay, haddii ay xukuumad tahay iyo haddii ay goleyaasha tahayba, xisbi ahaana annagu wada-hadal toos ah la furi mayno Somalia, waxaana aanu jecel nahay arrintaa wada-hadalka inay arrin qaran noqoto, xukuumadda ayuu xil ka saaran yahay sida uu waajibku yahay, laakiin waxaan ku celinayaa waa arrin qaranka oo dhan ka dhaxaysa arrintani.”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tilmaamay in wada-hadallada shanaad ee dhexmari doona labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay qayb ka yihiin golaha wakiillada, isla markaana ay weftiga Somaliland ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyaha guddida arrimaha dibada Axmed Cabdi Kijaandhe , waxaanu intaasi ku daray in golaha ay warbixin ka siin doonaan kulankaa.
“Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada iyo guddoomiyaha guddida arrimaha dibeddu way raaceen weftigaas Somaliland uga qayb galaya wada-hadallada golahana warbixin ayay siin doonaan marka ay soo noqdaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
