Uncategorized

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Qabanqaabada Munaasibadda Lagu Shaacinayo Wasiirrada Cusub Oo Ka Socota Madaxtooyada

Muqdisho:16-Jan-2014(SDN)-Wararka ka imanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Halkaas ay ka socoto Qabanqaabada Munaasibaddii lagaga dhawaaqayey Golaha Wasiirrada Cusub oo muddo soo Socday.

 

breakinSida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wargeliyay xubnaha uu u magaaabayo Wasiirada inay soo xaadiraan munaasabada ku dhawaaqista, isla markaana uu la leeyahay kulamo horu dhac, waxaana xubnaha magacaaban ay ku qul qulayaan Xarunta Madaxtooyada.

 

 

 

Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo marar badan ay dib u dhac ku yimaadeen ayaa waxaa ka taagnaa caqabado la xidhiidhay qaabka soo xulista Wasiirada, iyadoo uu jiray muran xoogan oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo xildhibaanada baarlamaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya In Saacadaha Soo Socda Lagu Dhawaaqi Doono Golaha Cusub ee Wasiirrada, waxaana Tiradooda Lagu sheegay 25 Wasiir, inkastoo tiro dhowr jeer la kala bad-badalay tirada, isla markaana madaxda dowladda ay dhowr jeer ku kala aragti duwanaadeen tirada rasmiga ah.

 

Shanta beelood ayaa la sheegay in min shan wasiir ay u heli doonaan, iyadoo durba ay soo baxayaan magacyada dad la hadal haayo inay ku soo bixi doonaan liiska Golaha Wasiirada.

 

Guuxa ugu weyn ayaa ah in qaar ka mid ah Wasiiradii hore Xukuumadii Saacid ay dib u soo laaban doonaan, iyadoo tanina ay hore u diidanaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana jira wal wal badan oo laga qabo sida Xukuumada cusub ay kalsooni uga heli karto Baarlamaanka, maadaama baarlamaanku uu laba qeybsan yahay.

Wixii Warar ah ee Ka Soo Kordha dhinaca Madaxtooyada waxanau idinkula socodsiin doonaa wararkayaga Soo Socda.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com