Naxariiste Allah lagama quusto hase yeeshe markii aan dhageeystey guuxa Shacbiga Soomaaliyeed ee ku saabsan rajo xumo ay ku muujinaayaan Dowladda hadda jirto taas oo ugu wacan.
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah qofka ugu sareeya Dowladda soomaaliya oo xalin kari waayay Siyaasada Gudaha taas oo ku saabsan buuqa ka jira Goboladda dalka oo dhan ee ku saabsan Maamul u sameeyn iyo tan kale oo ah in Ra’iisal wasaarihiisa uu siin waayo Madax banaani ku saabsan xagga Shaqadiisa iyo tan kale Madaxweynaha oo aan laheyn la taliyayaal Fiican oo xagga Siyaasada ah, la taliyayaasha hadda la shaqeeyana waa kuwa aan dhageeysan guuxa dadweynaha oo mar walba Madaxweynaha warar been ah u sheega.
2- Xildhibbaanda Baarlamaanka oo noqdeen Calooshood u shaqeeystayaal oo jecel in mar walba mooshin keenan si ay lacag u helaan iyo in mar walba ay jecel yihiin in lacag laalush ah ka qaataan Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha hase yeeshe Xildhibaanda Baarlamaanka waxay hilmaameen in ay Shacabka Wakiil ka yihiin.
3- Caasimada Soomaaliya ee Muqdishu oo noqotey meel aan u muuqan in ay tahay Caasimad taas waxaa u daliil ah oo aad arkeysa Guuxa dadweynaha in ay ku leeyhiin Gobolka Banaadir wuxuu leeyahay Maamula Gobol ama 16 Guddoomiye degmo waxaana u madax u ah hal Reer marka haddii ay caasimad ay tahay Awaay Soomaali weyn.
4- Wasiir kaste marka Xilka loo magacaabo wuxuu Wasaaradiisa uu ka soo buuxiya dadka ay isku qabiilka yihiin wuxuuna shaqada ka ceyriya dadkii hore ugu shaqeeyn jirey , wuxuuna Wasaaradda ka dhiga meel ay Qabiilkiisa ay Maamulaan.
Beryaha danbe Shacabka soomaaliyeed aad iyo aad ayay u guuxayaan waxaana ka muuqda Daal fara badan iyo Quus sidaas darteed Dowladda Soomaaliya waxay halis u tahay in ay bur burto oo ay weydo Kalsoonida Shacabka markaas waxaa dhaceeysa in Gobol walba uu Maamul iskiisa ah uu sameeysto oo markaas Dowladda ay bur burto.
hadda iyo talo waa in wax laga qabta Guuxa Shacabka Soomaaliyeed.
Fiiro gaar ah : Qoraalkaan waa Guuxa dadweynaha Soomaaliyeed oo aan soo koobay ee haddii aad dhibsato ogow shacabka qaar ayaa la dhacsan maxaa yeeley waa cabashadooda.
waad mahad san tihiin dhammaan .
Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya
