Baydhabo:18-Jan-2014(SDN)-Wararka laga Helayo Gobolka Bay ayaa sheegay in Saaka uu Halkaas ku Geeiyooday Guddoomiye-ku-xigeenkii Degmadaasi C/laahi Cabdi Eenoow oo dhawaan qarax ku dhaawacmay.
Eenoow ayaa qarax miino lagula beegsaday 2-dii bishan deegaankaasi xilli uu kusugnaa maqaaxi kutaalla deegaanka Goof guduud dhaawac xilligaasi kasoo gaadayna u geeriyooday.
Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Aadan Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey geerida gudoomiye kuxigeenkiisii inuu udhintay dhaawac muddooyinkii dambe laga daweynayey.
Gudoomiye Maxamed Adan ayaa waxa uu ku eedeeyey qaraxa lagu dilay kuxigeenkiisii inay ka dambeeyaan xarakada Al Shabaab iyadoo warar hore usoo baxayana ay shabaabku sheegteen mas’uuliyada weerarkaasi.
Kooxaha alshabaab oo dagaal kula jira ciidanka Iyo Masuuliyiinta Dawladda, ayaa inta badan qaraxyo miciinsada, waxana uu Guddoomiyahan haatan Geeriyooday Noqonayaa masuulkii ugu sarreeyey ee ay muddooyinka Dilaal kooxaha Al-shabaab.
S.D.N
