London 19.Jan 2014 (SDN)- Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyoodey weriye caan ahaa oo ka tirsanaa BBC-da qaybta layska arko ee la hadasha caalamka.
Weriyahan oo lagu magacaabi Jirey Komla Dumor wuxuu u dhashay dalka Ghana, wuxuuna BBC-da ka shaqeynayey tan iyo sanadkii 2007, isagoo tebin jirey barnaamijka Focus on Africa.
Madaxa qaybta wararka caalamka ee BBC-da Peter Horrocks ayaa xaqiijiyey geerida Komla Dumar, isagoo xusay inuu halyey u ahaa saxaafadda Afrika aadna loogu hiloobi doono.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa ka tacsiyeeyey geerida Dumor isagoo boggiisa Twitter-ka kusoo qoray farrriin marka Soomaali loo rogo uu micneheedu noqonayo sidan:
Komla Dumor oo ku geeriyoodey da’da 41-jir waxaa la sheegey inuu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah oo si kedis ah.
London SDN.
Qurbejoog.com
