Uncategorized

Madaxweynuhu Arinta TV-ga Qaranka wuu Asiibay,aan u hambalyeyno

Waxa shacbigu aad ugu wareeray labadii sano ee u dambeeyay khilaaf wajiyo badan loo dhigay oo ka dhex qarxay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo Tv-ga qaranka, kii ugu horeeyay waxa uu galaaftay wasiirkii Boobe iyo agaasimihii xisaabaadka,waxa la moodayay in khilaafkii damay, se waxaaba lagu sii qabtay gaas iyo kabriid hor leh markii madaxweynuhu soo saaray digreeto uu ku madax banaaneeyey Tv-ga oo aan meelna haysan.

waxay  socotaba oo khadar oo maareeyaha tv-gu  si doqoniimo ah ula dhaqmo cid kasta oo aanu markaa isagu cdoonayn lana yimi dhaqan iyo anshax xumo baal marsan maamulka dawladnimo waa tii belaayo subax ku beegan dabayaaqadii sanadkii 2013 ka ku kacday khilaaf hor leh tii wakhtigii boobe sahaalo ayay ahayde tani maalinba maalinta ka dambaysa way sii laba kaclaysay  ceeb iyo cambaarayniba debada u soo baxe , kama dambaystii waxay taladii gacanta u gashay Maxadwyne Siilaanyo oo laga dhursugayay talaabada uu qaado.

hadaba waxa ay aniga iila muuqataa in madaxweynuhu halkeedii dhigay oo karaamo uu lahaa dib u soo celiyay sababtoo ah Tv-gu ma noqon karo laan ka gaara Wasaarada Warfaafinta, teeda labaad ma lahayn xeer qeexaya inuu yahay Hay’ad madax banaan.

Waan u hambalyeynayaa Madaxweynaha oo gartay in uu saxo nidaamka xukuumadiisa iyo balanqaadyadii uu shacbiga kaga kasbaday codka kalsoonida ah, waxaanan leeyahay madaxweyne mar kale ha ka ilduufin hanaanka toosan ee qaranka.

Illaahaw Xaqa na waafaji
Gobaad Ahmed Hirad
Kampala.Uganda