Istanbul 19.Jan 2014 (SDN) Ergooyinka Somaliland iyo Somaliya u metelaya wadahadaladii uga socday Dalka Turkiga ayaa soo Wada-hadalka gabagabaysmay waxaanay labada dhinac kala saxeexdeen Qoddobo guud oo wada u xaadhaya wadahadalo Sadex bilood le ah oo ay ku Heshiiyeen.
Wasiirka Amniga Somaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay Heshiiska ay labadooda dhinac wada gaadheen ayaa sheegay in ay yihiin qoddobo Guud oo noqon doona dariiqa loo marayo in ay wadahadaladu jawi fiican ku socdaan isagoo sheegay in qoddobada xudunta u ah wadahadalada dib loogu dhigay illaa kulamada danbe.
Wasiirka Amniga Somaliya qoddobada ugu muhiimsan ee uu sheegay Heshiiska in lagu gaadhay waxa ka mid ah in ay Ergada Somaliya aqbashay khsaarihii Naf iyo Maal ba lahaa ee Dawladdii Somaliya u gaysatay dadka Reer Somaliland, taasoo ay sheegeen in labada dhinac ba qaateen.
Qoddobada kale ee ka mid ka ah Heshiiska waxa ka mid ah in ay cadaato doorka ay dawladda Turkigu ku leedahay wadahadalada, iyadoo sadex bilood kiiba mar kulamada wadahadalada la qaban doono, isla markaana laba guddi oo labada dhinac ah ay ka wada shaqayn doonaan.
Sidoo kale, qoddobada lagu heshiiyey waxa ka mid ah in la fuliyo qoddobkii Duulista Hawada ee ay labada dhinac shirkii hore ay wada saxeexeen, kaasoo aanay labada dhinac fulin.
Wasiirka Amniga Somaliya ayaa sheegay wali qoddobada ugu xaasaasisan ee ay ka mid tahay Gooni isutaaga iyo Midnimada Somaliya inaan wali la soo qaadin, hase yeeshee waxa uu xusay Somaliya ahaan in ay ka go’antahay Dawladdii Lixdankii in la soo celiyo dariiq kasta oo ay reer Somaliland ku qancin karaana ay u mari doonaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna Heshiiska labada Dal wada gaadheen ka hadlay Waxaanu Sheegay in Xukuumad ahaan ay Soo dhawaynayaan isagoo Xusay inay Tahay Talaabo dhanka Horumarka loo qaaday.
Mudane Biixi Waxaa kale oo uu Hadalkiisa ku Sheegay in Shirkan arrimaha ka soo baxay ay ugu weyn tahay in La Canbaareeyo Gabood faladii ay Xukuumadii Siyaad bare u gaysatay Shacabka Somaliland si garawshiiyo loogu helo asbaabaha kalifay Gooni isu taaga Somaliland waxaa kale oo uu intaas raaciyay in la samayn doono Gudi labada dhinac ah oo xaruntoodu noqoto Turkiga.
Istanbul SDN.
Qurbejoog.com
