Ganbadha 19.Jan 2014 (SDN)- Weftigii Nabadeynta u joogay goboladda Barri ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa saaka Booqday fadhiisimadda ciidammadda Qaranka ee jiida Gambadha oo soddameeye Km dhinaca Bari kaga beegan Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.
Weftiga Wasiirka oo ay xubno ka yihiin Wasiirul dawleyaasha Waxbarashadda, Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Masuuliyiin kale ayaa waxay warbixin ka dhegaysteen saraakiisha ciidammadda qaranka ee Jiida Gambadhaa.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa hadal guubaabo ah oo uu u jeediyay ciidammadda qaranka waxa uu ku bogaadiyay hawsha naf hurka ah ee ay u hayaan dalkooda waxaanu u soo jeediyay inay fiiro dheer iyo indho adag ku eegaan cadowga Somaliland, isla markaana ay u adeegaan shacbigooda.

Ganbadha SDN.
Qurbejoog.com
