Uncategorized

Xisbiga Waddani Oo Wali Aan Ku Dhawaaqin Aragtidiisa Ku Aaddan Maxsuulka Shirkii Turkiga Oo Uu Hore uga Cadhooday Inaan Laga Qayb Gelinin

Hargeysa:21-Jan-2014(SDN)-Iyadoo Shirkii Turkiga ay  ka soo baxday Natiijo Muran badan iyo Hadal Ka Dhex dhalisay Somaliland iyo Axsaabta Qaranka, ayaan Haddana Wali Xisbiga Waddani oo hore u qaadacay Wadahadalka aan wax Jawaab ah laga Haynin.

waddddaniXisbiga Waddani oo ka mid ah  mucaaridka somaliland, isla-markaana uu Guddoomiye u yahay Guddoomiye Cirro oo  Baarlamaanka Horjooge  u ah, ayaa iska Diiday inay Bulshada u gudbiyaan Aragtidooda ku aaddan Natiijada Laga Keenay Turkiga, waxana isku dayo ay Warbaahintu samaysay ku dhamaadeen inaanay jawaab helin.

Guddoomiye Cirro oo isaga si weyn wax looga weydiiyey, ayaa ku gaabsaday in Natiijada Golaha la hor keeni doono, waxana uu diiday inuu aragtida uu xisbi ahaan qabo dhiibo.

Guddoomiye Cirro oo saxaafaddu u sheegtay in xisbigii kale ee mucaaridka ahaa oo ay markii horeba wada dhaleeceeyeen shirka uu Haatanna natiijada qaadacay, ayaa sheegay inaanu wax jawaab ah bixinaynin.

Madaxda kale ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa iyagu sheeganaya inay wali ku maqan yihiin Jawaabtii ay Bixin lahaayeen, waxana taasi ay keentay shaki ah inay Aqbalsan yihiin Natiijada inkastoo ay markii hore shirka Ka qaybgalkiisa diideen.

Aamusnaanta Waddani ee Natiijada Shirka ayaa waddanka ka dhex abuurtay fikir kale oo ah inay si toos u ayidsan yihiin   maxsuulka soo Baxay, waxana si weyn la isku weydiiinayaa maadaama markii shirka la tegayeyba ay si weyn u diideen, waxa ay la Aamusan yihiin maanta oo natiijo muran dhalisay soo baxday.

Haddaba Haddii ay Aamusnaan Xisbiga Waddani sii socoto  waxa Caddaan doonta inaanu jirin Mawqif cad oo xisbigu leeyahay, waxana Shacabku wax weyn iska weydiinayaan Siyaasadda guurguurka badan ee xisbiga waddani.

Dhinaca kale xisbiga Ucid oo isagu markii hore sida waddani oo kale cambaareeyey Hannaankii xukuumaddu u maamushay shirka, ayaa haatana si kulul u qaadacay Natiijada ka soo baxday, waxana uu Guddoomiyahoodu si cad u sheegay in somaliland shirkaas lagaga adkaaday.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com