Uncategorized

Ururka Midowga Africa oo soo Dhaweeyay Maamulka Cusub ee Juba Land

Muqdisho 21.Jan 2014 (SDN)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamat Saleh Annadif oo ka qeyb-galay caleema-saarkii shalay ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in uu u hambalyeynayo maamulka Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), isaga oo dhinaca kalena ka hadlay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Annadif-300x225Waxa uu sheegay in arrintani ay ka mid tahay horumarrada ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Waxa uu dhanka kale sheegay in ciidamada AMISOM ay ka howlgali doonaan Soomaaliya inta ay Soomaaliya gaarayso isku filnaanshiyo dhinaca amniga ah.

Xafladda caleema saarka maamulka KMG ah ee Jubba ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb-galay wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, madax ka socota Kenya iyo Ethiopia, wakiillo ka socday Midowga Yurub, xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi ka socday Puntland.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com