Uncategorized

Nidaamka Jamhuuriyada Federalka ah iyo Shacbiga Soomaaliyeed maxaa kala heysa

Markii ay bur burtey Dowladde dhexe ee uu Hoggaaminaayay Allah u naxariiste Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, waxaa ay Soomaaliya noqotey meel Jaha wareer Siyaasadeed ka taagan oo Nidaam iyo kala danbeen aysan ka jirin.
Maanta waxaad arkeysa in badan oo shacbiga Soomaaliyeed in ay doonayaan in Soomaaliya ay noqoto Jamhuuriyad federal ah hase yeeshe waxaa is weydiin leh Shacgiga Soomaaliyeed wax aqoon ah ma u leeyihiin Nidaamka Jamhuuriyadda federalka ah.
Marka hore aan idin sheego Dowladdaha leh Federaalka ee loo yaqaano – Federal Republic) waxay na kala yihiin:
Austria, Brazil, Ethiopia, Germany, India, Mexico, Nigeria, Pakistan, iyo Venezuela.
Shacbiga Soomaaliyeed iyo Madaxdooda waa in marka hore ay fahmaan Waxaa la yirahdo Jahuuriyadda Federalka ( Federal Republic) iyo dalalka ku dhaqma sababta ay u Qaateen.
waxaa mar walba aad maqleeysa in dadka  Qaar kiis ay leeyihiin Federalka ayaa laga soo horjeeda hase yeesha ma fahan sana waxa la yirahdo Jamhuuriyad Federal ah.
Haddii aad rabtaan Jamhuuriyad Federal marka hore soo barta Federal waxaase nasiib daro ah in Federal loo yaqaano Qabiilkeyga ayaa meeshaas leh iyo Qabiil keyga ayaa deggeaan kaas lahaan jirey.
Fadlan ogow inta aad qoraal keyga wax ka sheegin marka hore soo baro Dowladaha aduunka Nidaamka ay ku dhaqmaan. 
Waad mahad san tihin.
Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi Kenya