Muqdisho Jan 21,2014(SDN)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta fadhi ay yeesheen waxa ay cod aqlebiyad ah ku ansixiyeen xukuumada raiisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ee dhawaanta lagu dhawaaqay.
Kalfadhiga oo ay ka qeybgaleen xildhibaano tiradoodu ay aheyd 234 ayaa cod kalsooni ah oo ay uqaadeen waxa ay ku ansixiyeen xukuumada cusub.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in ay 186 xildhibaan siiyeen kalsoonida xukuumada raiisul wasaare C/weli Sh Axmed,halka ay 46 xildhibaana diideen.
Sidaa waxa ku soo afjarmaya dood dheer oo ka dhalatay magaacaabida gollaha wasiirada Soomaaliya oo mudo u dhexeysay raiisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.
SDN-Muqdisho
