Dhobley:22-Jan-2014(SDN)- Wararka Ka Imanaya Deegaanka Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Xalay Halkaas ay Kooxaha Alshabaab Guluf ku soo Qaadeen.
Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa inay Halkaas isku Haleeleen oo ku dagaalameen Ciidamada Waddanka Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubba oo isku dhinac ah, waxana jira khasaare labada dhinac ah.
Shacabka Halkaas ku sugan ayaa saaka Warbaahinta u sheegaya inay ka Warheleen Dayaan iyo Hugunka Rasaasta kala Duwan xilli ay Hurdeen, waxana ay intaas ku dareen in Dagaalku muddo socday.
Maamulka degmada Dhoobley weli kama aanay hadlin dagaalkan xalay ka dhacaya deegaankaasi meel fadhiisin u ah ciidanka Jubba iyo kuwa Kenya, waxase la filayaa inay dhawaan ka Hadlaan waxa meesha ka dhacay.
Xarakada Alshabaab ayaa weli iyana dhankooda wax war ah aan ka soo saarin dagaalkani waxaana inta badan jirta in Al;shabaab ay guulo ka sheegtaan dagalalada sidan oo kale ah oo ay iyaga soo qaadsaan kuwaasoo u badan gaadmo.
Ciidamda Maamulada Koonfurta Somalia ka jira ee Dawladda Taabacsan ayaa inta badan dagaalada sidan oo kale ah la Kulma, waxana ay Taasi ku keentaa in ciidan badan laga laayo, isla-markaana Gaadiid laga furto dagaaladaas, iyadoo inta badan Alshabaabku caanku yihiin dagaalada Gaadmada ah ee Habeenkii dhaca.
S.D.N
