Uncategorized

Madaxweyne Cabdiweli-ga Puntlnand Oo Ku Jira Wada-tashigii Ugu Dambeeyey Ee Xukuumaddiisa iyo Qaar Ka Mid ah Magacyada Golihiisa Wasiirrada Oo Dibadda U Soo Baxay

Garowe:22-Jan-2014 (SDN)-Haddii la Ansixiyey oo lagu kala Calaf qaaday Golihii wasiirrada somalia oo muddo lagu mashquulsanaa Hadal hayntooda, waxa Haatan si weyn loo  qaadaa dhigayaa Shaxda Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland oo la Filayo in Dhawaan Lagu Dhawaaqo.

gaasiMadaxweynaha Dhawaan loo Dhiibay Talada Maamulka puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Haatan ku Mashquulsan dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waxana la isla Dhexmarayaa Magacyo la sheegayo inuu xushay oo uu dhawaan magacaabi doono.

Xubnaha la sheegayo in ilaa iyo Haatan uu Madxweynuhu ku qancay, ayaa waxa ka mid ah dhawr Shaksi oo ay si aad ah u soo wada Shaqeeyeen,  isla-markaana ayaamihii dambe ay xidhiidh fiican lahaayeen.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu si gaar ah u xushay dhawr wasiir, isla-markaana ku hawllan yahay dhamaystirkooda, toddobaadyada soo socdana ku dhawaaqi doono Gole dhamaystiran.

Xubnaha la sheegayo inuu madaxweynuhu xushay, ayaa waxa ka mid ah:

Cabdi Faarax Juxa – Wasiirka Waxbarashada

Faarax Cali Jaamac- Wasiirka Maaliyada

Cabdixabiib Yuusuf Warsame – Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Dr Sadiiq Eenow- Wasiirka Caafimaadka

Cbdiraxman Geedi- Wasiirka Amniga.

Magacyadan ayaa intooda badan laga filayey inay ka soo muuqan doonaan Golaha Wasiirrada cusub, waxana la filayaa inuu madaxweynuhu dhawaan xukuumaddiisa Ku dhawaaqo si uu u bilaabo hawsha Ballaadhan ee Sugaysa.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com