Hargaysa 22.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha ayaa maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo lagu daah furayey qorshaha diiwaangelinta muwaadinka somaliland. isagoo halkaa kaga dhawaaqay xeer nidaamiyaha qaadashada jinsiyadda Somaliland oo dhaqan geli doona bisha soo socota ee Febaury.
Kulankan oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada hargeysa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenada amniga iyo maamulka Gobolada ee wasaaradda arimaha gudaha, badhasaabada dalka qaarkood iyo Mayor-ada Degmooyinka A-da ah ee dalkan JSL, waxaana furitaankiisii hadal kooban ka jeediyey Mayor-ka caasimadda Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (C/raxmaan Soltelco) oo ku soo dhoweeyey ka soo qayb galayaasha kulankan lagu qabtay caasimadda somaliland ee hargeysa, waxana uu ku tilmaamay barnaamijka diiwaangelinta muwaadinka mid ay fulintiisa leeyihiin dawladaha hoose ee degmooyinka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Md Cali warancadde oo kulankaa ka hadlay waxa uu sheegay in kulankan maanta lagu shaacinayo qorshaha diiwaangelinta muwaadiniinta Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu kala aqoonsan doono muwaadinka iyo qofka kale ee qaxootiga ah ama shisheeyaha ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in mudo lix bilood ah lagu gaadhsiin doono dadweynaha kaadhka aqoonsiga muwaadinimo, iyadoo qofkii aan qaadan uu waayi doono xuquuqda dhalashada muwaadinimo ee Somaliland. waxana uu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland Miyi iyo magaalo-ba inay ka faa’iidaystaan qaadashada aqoonsiga oo wax badan uga tari doona inuu la macaamilo Bankiyada iyo hay’adaha kale ee dawladda isla markaana uu kaga duwanaan doono qofka ajnabiga ah, fursadaha ganacsi iyo kuwa waxbarasho ee dalku bixinayo-na uu kaga qayb geli doono.
Wasiirka arimaha gudaha ee JSL Md Cali maxamed warancadde waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xeerarka caddaynaya muwaadinimada ee ku yaalla dastuurka dalka, isla markaana ay wasaarad ahaan dareemeen baahida shacabku u qabo helitaanka kaadhka aqoonsiga ay kulankan maanta ku soo bandhigeen xeer nidaamiyaha qeexaya qaadashada Jinsiyadda iyo qofka qaadanaya ee xaqqa u leh kaadhkaas oo noqon doona astaanta keliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay dalkan JSL.
Wasiirka arimaha guduhu waxuu halkaa kaga dhawaaqay in xeer nidaamiyaha jinsiyadda Somaliland dhaqan geli doono bilowga bisha soo socota ee Febaury, hirgelintiisana ay u xilsaaran yihiin hay’adaha ku shaqada leh, iyadoo muwaadinka somaliland noqon doono qof kasta oo ka isiran ama ka soo jeeda dadkii somaliland deganaa 26 bishii June sanadkii 1960-kii iyo waxii ka horeeyey.
Dhanka kalena Md Cali warancadde oo aad u sii faahfaahiyey xeer nidaamiyahaasi jinsiyadda somaliland waxa uu sheegay in Muwaadinka somaliland xaq u leeyahay inuu Qaato jinsiyad dal kale, sidoo kalena dadka reer somaliland ee dalka dibadiisa ku nooli ay jinsiyadda somaliland qaadan karaan marka ugu horaysa ee ay dalka yimaadaan.
Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Mayorka magaalada Berbera Md Cabdirashiid Ciddin oo ku hadlayey magaca mayor-ada Magaalooyinka A-da ah iyo Gudoomiyaha Gobolka Gebiley oo isna ku hadlay afka badhasaabada Gobolada, iyagoo labadooduba aad u soo dhoweeyey qorshaha wasaaradda arimaha gudaha ee diiwaangelinta muwaadiniinta iyo bixinta aqoonsiga somaliland, isla markaana ballanqaaday inay mas’uuliyad dheeraad ah iska saari doonaan hirgelinta qorshahaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
