Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ganafka ku dhuftay in Dekedda Berbera Jabuuti la hoosgeeyo iyo Wasiirada arinkaa Soo jeediyay oo fashilmay

London jAN 22,2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa daadifeeyay soo jidin ka timi qaar ka mida wasiiradiisa uu uGu kalsoon yahay oo soo jeediyay in dekedda Berbera la hoos geeyo ta Jamhuuriyada Jabuuti ee ay Carabtu maamusho.

Wasiirada Madaxtooyada iyo Qorsheynta Qaranka oo arinkan damcay in ay u hoosgeliyaan madaxweynaha ayaa waxa faro geliyay qaar ka mida latiliyeyaasha madaxweynaha oo qawaaqib xumada ka dhalankarta tusaaleeyay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aan hore u diidin soo jidimihii hore ee guracnaa ee wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji ayaa doorkan ka goos adeygay soo jeedinta sida ay ilo wareedyo noo xaqiijiyeen.

Madaxweynaha Somaliland oo kulamo isxiga ku yeeshay Faransiiska ayaa manta lagu wadaa in uu halkaa ka dhoofo kiyoo ku sii jeeda dalalka Imaaradka iyo UK.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com