Uncategorized

Beesha Dhexe ee Soomaaliya iyo ta Somaliland teebaa Caqabad ah(FAALLO)

London Jan 27,2014(SDN)-Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ayaa intii ka danbeysay doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyoka dib bilaabay in ay isku dayaan in ay jahawareer geliyaan rayi caamka dadka Afka Soomaaliga ku hadla ee siyaasadu quudka u noqotay.

Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka siman yihiin beelo awood siyaasadeed ku leh degaanka dhexe ee labadaas dal,labada beeloodba waxa ay ka siman yihiin loolanka siyaasadeed ee inta kale ka dhexeysa iyo iska tuurka nidaamkii hore ee dalka ka jiray.

Beryahan danbese sida xaal yahayba beesha dhexe ee Soomaaliya ayaa siyaasiyiin iyo warbaahinba waxa ay ka faaloodaan hab dhismeedka siyaasadeed ee Somaliland iyaga oo u qiil deyay fikir fadhi ku dirir oo aan cilmi faro badan ku dhisneyn.

Beesha Dhexe ee Soomaaliya waxa ay haatan nidaamka federal ee Soomaaliya oo ka dhexeeya idil inta afka Soomaaliga ku hadasha ka yihiin hormuud sidaas oo tahayna aaney ku qanacsaneyn ehelna u ahyn.

Waxa ay heystaan Xillka Madaxweynaha,Guddoomiyaha iyo Duqa Caasimada,wasiirada Amniga,Guddaha,Warfaafinta,Hawlaha guud iyo guriyeynta,kheyraadka badda intaa waxa u raaca tiro wasiiro ku-xigeen iyo agaasimeyaal tiro belay.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa isweydiinaya in hadii beesha dhexe ee Soomaaliya xilalkaa muhiimka ah ay ka helayeen mar walba dawladii la dhiso waxa ay isla iyaga iyo degaanadooda uun looga diidan yahay nidaam walba oo dalka loo dhiso.

Beelaha dhexe ee Somaliland iyo nidaamyadii Soomaray waxa ay ka federaalka uga duwan yihiin waa degaan gaara oo beelo mucayim ah oo Soomaali ahi ay degaan. Ma aha degaan Soomaaliweyn kulmiya sida ta Soomaaliya.

Somaliland ma sheegato mana ah meel ay nidaamkeedu qeyb ka yihiin dadka ku nool dal weynihii Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Somaliland waxa soo maray xili shacabkeedu ay hogaan u doorteen hogaamiye dalkaa taladiisa loo daba fadhiyay mudo sideed sanadood ah Daahir Riyaale Kaahin oo codka madaxweynaha ku helay 80 ruux.

Xiligaa waxa gollaha baarlamaanka guddoomiye ka ahaa Marxuum Axmed Maxamed Qeybe,sidoo kalena waxa jirtay in Prof Maxamed Siciid Gees uu ahaa wasiirka arrimaha dibedda iyada oo siyaasiyiintaasi gebigoodba aan aheyn beelaha dhexe ee Somaliland.

Intaa waxa dheer in Beelaha dhexe ee Somaliland aaney jirin meel ay nidaamka halkaa ka jira uga hor yimaadeen,degaanadoodana waa qaar Soomaali oo idili ay xor u tahay in ay ka ganacsdaan,degaan ama si nabada ay ku dhex maraan.

Beelaha Somaliland ayaa kolka ay talada dalka ka maqan yihiin aan ku sifoobin la dagaalanka maamulka, halka beesha dhexe ee Soomaaliya kolka madaxweyne cid kale noqdo ama mid iyaga ka mida xilka loo dhiibo ay intooda kale noqdaan mucaarid hubeysan.

Marnaba arinka aan dusha uga soo hadalay micneheedu ma aha in xukuumada Kulmiye aaney dhan ka rarneyn,taaasna qebn ka mida waxa loo aaneyn karaa nidaamka asxaabta badan iyo halka beelaha Somaliland codoadkooda ku shubeen.

Sidaas oo ay tahayna nidaamka dawladeed waa sida muraayada oo kale oo ay tahay in cid waliba iska aragto,cadaalad buuxda Eebe ayuunbaa laga helaa.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com