Qardho Jan 27,2014(SDN)-Waxa soo shaac baxay khilaaf hareeyay cida loo caleemo saarayo Boqorka beesha Darood ee bedili doona allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi Boqor Muse9King Kong).
Qoyska reer Boqor ayaa saxaafada u qeybiyay bayaan ay arinka uga hadlayaan,waxaanu u qoranaa sidan;
KU: DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
KU: ISIMADA DAAROOD IYO KUWA DEEGAANADA PUNTLAND
KU DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
KA: REER BOQOR MUUSE YUUSUF BOQOR CISMAAN
BISMISILAAHI RAXMAANI RAXIIM
Anagoo ah qoyska reer Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan waxaan ku wargelineynaa Isimada beelaha Daarood iyo Dowlada Federaalaka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland inuu jiro khilaaf ka yimid xulistii boqorka beelaha Daarood, kadib markii aan sidii wadadii soo jireenka iyo dhaqanka waafaqsaneyd la raacin.
Waxaan ogeysiinaynaa isimada beelaha Daarood iyo golayaasha madax dhaqameedka Soomaliyeed meelwalba oo ay joogaan in markii loo fariistay gogoshii xulista Boqorka beelaha Daarood ee bedeli lahaa Boqorkii udanbeeyay ee lagu aasay magaalada Qardho 07.07.2013 Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) ay shirar labo maalmood usocday reer Yusuf Cismaan oo ah jifida hoose ee Bahdir ee uu ka dhashay boqorka ay go’aan ku gaareen in qoyska reer Boqor Muuse loo daayo inay kasoo baaraan degaan xulista iyo soo magacaabista qofkii qaban lahaa xilka boqortooyada.
Reer Boqor Muuse oo kujira wadahalada iyo lafagurida arinkaas ayaa koox dana siyasadeed leh si fudud ah ushaac bixiyeen war lagu sheegay in reer Yuusf Cismaan isku raaceen Burhan Boqor Muuse inuu xilkaas qabto, warkaas oo ahaa mid been abuur ah aan xaqiiqda waafaqsaneyn.
Anagoo ku hadleyna codka reer Boqor Muuse Yusuf gudaha dalka iyo dibediisa waxaan codsaneynaa in arintaas looga danbeeyo dadka ay ka dhaxeyso iyo habka dhaqanka beelaha, iyadoo la xeerinaayo siduu dhaqanka iyo sooyaalku ahaa
Waxaanu ka codsaneynaa dowlada Puntland iyo siyaasiyiinta inaysan arintaas faragelin siyaasadeed ku sameyn inta khilaafka jira la turxaanbinaayo, loona daayo raaska reer Yusuf Cismaan inay arintaas xal u keenaan.
Wabilaahi towfiiq
Xubnaha soo saaray war saxafaadeedka:
- Cismaan Boqor Muuse
- Cumar Boqor Muuse
- Bashiir Boqor Muuse
- C/casiis Boqor Muuse
- C/rashiid Boqor Muuse
- Saxardiid Boqor Muuse
- Cumar Maxamed Boqor Muuse
- Muuse Maxamed Boqor Muuse
- Yusuf Maxamed Boqor Muuse
- Hanad Boqor C/laahi Boqor Muuse
- Sharmarke Boqor C/laahi Boqor Muuse
- Sharmarke Boqor C/laahi Boqor Muuse
- Liibaan Yuusuf Boqor Muuse
- Sharmarke Yuusuf Boqor Muuse
- Mahad Yuusuf Boqor Muuse
- Dalmar Cumar Boqor Muuse
- Sharmarke Cumar Boqor Muuse
- Sharmarke C/rashid Boqor Muuse
- Maxamuud C/laahi Boqor Maxamuud B. Muuse
- Maxamed Axmed Boqor
- Maryan Boqor Muuse
- Xadiyo Boqor Muuse
- Caasho Boqor Muuse
- Canab Boqor Muuse
- Shamis Boqor Muuse
- Xaawo Boqor Muuse
- Muxubo Boqor Muuse
- Seytuun Boqor Muuse
- Deeqo Boqor C/laahi
- Fadumo Cali Boqor
SDN-Qardho
