Kismaayo:27-Jan-2014 (SDN)-Ciidamada Kenya ee ku Sugan Deegaanka Kismaayo, isla-markaana Hoos Taga kuwa AMISOM, ayaa la Sheegayaa inay Dhawaan Wareejin doonaan Taliska Aagaas ay Gacanta ku hayaan.
Wararka aanu Helayno ayaa sheegaya in Markii ugu horraysayTaliye milateri oo u dhashay dalka Sierra Leone uu la Wareegi doono Ciidanka Kenya ee Kismayo ku Sugan oo Hoos Taga Amisom.
Sierra Leone waa dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Bariga Afrika oo ciidamo nabad ilaalin ah u diray Soomaaliya, walina ciidankeeda Somalidu dhib kama ay sheegan oo si gaar ah ayey u soo dhaweeyaan.
Go’aanka dib u habaynta hoggaanka AMISOM ee gobollada Jubbooyinka ayaa qeyb ka ah dib u eegis Midowga Afrika uu ku wado howlgalkiisa Soomaaliya, iyadoo la dhegaysanayo cabashooyin ka yimi shacabka somaliyeed oo ciidankaas dhibaatooyin ka sheegta.
Isbeddelka ayaa yimid kaddib markii xubnaha Guddiga Madaxda Difaaca ee ciidamada dalalka u diray Soomaaliya ay kulan ku qaateen magaalada Addis Ababa January 12 2014, kaas oo qodobbadii ka soo baxay uu ka mid ahaa in hal guuto oo ciidamo ka socda dalka Sierra Leone lagu reebo magaalada Kismaayo iyagoo ay wehlinayaan ciidamo aan badnayn oo ka socda dalalka Burundi iyo Kenya.
Cutub ka tirsan booliska Nigeria ayaa sidoo kale la go’aamiyay in la geeyo Kismaayo si loo xoojiyo Hawlaha ciidanku ka wadaan Aaggaas.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradooda ay gaadheyso 3,664 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxayna ku kala sugan yihiin gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Xilligga ay ciidanka Siera Leon la Wareegayaan Hoggaanka Ciidanka AMISOM, ayaa lagu sheegay Horraanta Bisha Foodda inagu soo Haysa ee February.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Afrika in ciidamo isku dhaf ah loo diro magaalada Kismaayo, si meesha looga saaro tuhun la xidiidhay in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada ay gacan-saar la leeyihiin maamulka Axmed Madoobe.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
