Caynabo 27.Jan 2014 (SDN)- Cuqaasha, Xildhibaanadda Golaha deegaanka iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa waxay cambaareeyeen Dilkii ALLE ha u naxariistee Cabdi Aadan Jaamac (Cabdi Raambe) oo ka mid ahaa xubnihii komishanka doorashooyinka ee degmadda Caynabo oo lagu dilay degmada Oog saddex maalmood ka hor.
Cuqaasha Caynaba iyo xubno ka mid ah xildhaabada Golaha deeganka degmadda Caynaba ayaa sheegay in aanay deganayn nabad-gelyadda gobolka Saraar, waxaanay Wasiirka daakhiliga iyo Taliska ciidanka Booliska ka dalbadeen in wax laga bedalo saraakiisha Booliska gobolkaasi.
“Xukuumadda waxaanu la socod siinaynaa nabadgelyadda Gobolka Saraar ma dega, waxaana u sabab ah Booliska maamulkiisa gobolka gaar ahaan saraakiisha xukunta. Taliyaha qeybta boolisku markii Marxuumka dhintay la toogtay ciidanka Boolisku way ogaayeen waxbana kamay qaban,”ayuu yidhi Xildhibaan Abokor Shide oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Caynaba.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Cali Buraalle oo ka sokow tacsida uu u diray qoyskii marxuum- Cabdi Aadan Jaamac (Cabdi Raambe, cambaareeyay falkii lagu dilay isla markaana sheegay in haddii aan wax laga qaban oo aanay ciidanka Booliska Gobolku aanay xilkooda gudan ay nabad-gelyadu meesha ka bixi doonto, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda waxaanu u sheegaynaa in ammaanka gobolka Saraar uu meel halisa marayo oo haddii aan isbedel lagu samayn ciidanka booliska in xaaladda gobolku noqon wajihi doono meel halis oo la mid noqota xaalad dad qalato iyo gurigii dheg-dheer.”
Chief Caaqil Ibraahim Ciise Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dilalku ay ku soo faro bateen gobolka Saraar, loona baahan yahay xukuumaddu inay si deg-deg ah wax uga qabato arrintaasi oo la keeno gobolka Saraar Ciidan Boolis ah oo hanan kara ammaanka gobolkaas.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Caaqil Cabdilaahi Ciise Axmed, Xildhibaan Cismaan Cabdi Qodax, Xildhibaan Cali Cabdilaahi Maxamed, Xildhibaan Xasan Yuusuf Aadan iyo dhammaan waxgaradkii halkaasi ka hadlay waxay si adag u cambaareeyeen dilka ninkaasi oo uu dileen rag dhalinyaro ah oo ay isku haysteen dhul.
Xildhibaanada iyo cuqaashu waxay sheegeen in ciidanka Boolisku uu sabab u yahay xaalad ammni xumo oo ay tilmaameen inay soo wajahday gobolka Saraar.
Caynabo SDN.
Qurbejoog.com
