Uncategorized

Punt land iyo Alshabaab Yaa Ku Lib Roonaaday Dagaalkii Buuralayda Gal Gala?

Boosaaso 27.Jan 2014 (SDN)- Masuuliyiin u kala hadlay Kooxda Alshabaab iyo Maamulka Puntland ayuu midba gaarkiisa u sheeganayaa in ay Guulo ka gaadheen dagaalkii doraad Galgala ku dhex maray oo ahaa mid aad u balaadhnaa.

Galgala-300x225Shiikh Cabdiqaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay dagaal doraad ay la galeen ciidamada Puntland. Waxaa uu beeniyey Shiikh C/qaadir Muumin hadal ka soo yeeray wasiirka amniga Puntland oo sheegayey iney xoogaga Al-shabaab ka saareen buuraha Galgala, wuxuuna xusay iney weli joogaan fadhiisimahoodii aanay jirin meel laga qabsaday, isagoo hadalka wasiirka ku tilmaamay wax lagu qoslo. Shiikh C/qaadir Muumin ayaa taa bedelkeed waxaa uu sheegay iney khasaaro xoogan gaadhsiiyeen ciidamadii Puntland ee soo weeraray oo uu xusay iney ka sii war hayeen, una diyaar garoobeen. “Waxaa na soo weeraray ciidamada ashahaado la dirirka, daraawiishta, iyo kuwa SARACEN oo dhamaantood ka amar qaata gaalka lagu magacaabo Nicholas kay jab xoogan ayaan gaadhsiinay cagaha ayeyna wax ka dayeen” ayuu intaa ku daray Shiikh C/qaadir Muumin. Isagoo la hadlayey warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayuu intaa ku daray Shiikh C/qaadir Muumin in gaadiid dagaal ay ka gubeen ciidamada Puntland, askar badana ka laayeen intii dagaalkaas uu socday, wuxuuna xusay in ciidamada Puntland qabsasho iska daaye aanay awood u laheyn iney gudaha u soo galaan buuraha Galgala.

Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-3Dhanka kale Dowladda Puntland ayaa shalay soo bandhigtay agabyo kala duwan oo ay sheegtay in ay kusoo qabatay dagaalkii ka dhacay buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-2Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed iyo Taliye ku-xigeenka Booliska Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa Saxaafadda magaalada Bosaaso ugu soo bandhigay agab isku jiray rasaas, gumucyada qoryaha culus, Dawooyin, raashin, Soolarada qoraxda lagu dabeeyo, qalab laga sameeyo walxaha qarxa sida miinada iyo maryo ay ku qoranyihiin astaanta caanka ku yihiin Ururka Al-Shabaab. Wasiir ku-xigeenka Amniga ayaa sheegay in agabkaan kusoo qabteen mid kamid ah Saldhigyada Al-Shabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala oo ay Ciidamadaasi weerareen kadib markii ay ka war heleen in ay isku urursanayaan. Wuxuu intaas ku daray in howlgalka ay ku dileen saddex kamid ah maleeshiyada isla markaana ku dhaawacmeen todobo kale, iyadoo uu tibaaxay in Puntland uu kaga dhintay hal askari. Isku soo wadaduubo ma ah Markii ugu horeysay ee dagaal uu Buuraha Galgala ku dhex maro Maamulka Puntland iyo kooxda Alshabaab, balse dhawr jeer oo hore ayuu dagaal halkaasi ku dhex maray iyad aoo labbada dhincaba mid kasta dhiciisa u sheegto guul in uu ka gaadhay dagaalkaasi.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com