Muqdisho:28-Jan-2014(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa Dadweynaha Magaalada Muqdisho ku soo Rogay Amar keenay inay Aad u hadal hayaan.
Guddoomiye Tarsan oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu Haatan wixii ka dambeeya aqbali doonin in la aaso qof aan la soo marinin Xarunta dambi baadhista CID-da oo aan si rasmi ah loo diiwaangelinin.
Waxa uu Guddoomiyuhu si cad u sheegay inay waajib tahay in qofkii magaalada Muqdisho ku Geeriyooda la diiwaangeliyo oo la caddeeyo sababta dhimashadiisa, si meesha looga saaro dad la dilayo ee la iska aasayo iyadoo aan cidi ogayn.
“Dadka dhinta ee la iska aasayo ma aqbali doono, haatan wixii ka dambeeyana qofkasta oo geeriyooda waa in la soo mariyo oo laga diiwaangeliyo Xarunta CID-da si meesha looga saaro dadka la iska dilayo, waagii horena sidaas ayey ahaan jirtey.” Ayuu yidhi Guddoomiye Tarsan.
Hadlkan ka soo yeedhay Guddoomiye Tarsan ee la xidhiidha in dadka dhinta la diiwaangeliyo, ayaa keenay in gebi ahaanba ay dadka reer Muqdisho si weyn u hadal hayaan oo qaadaadhigaan, waxana dadka intiisa badani ay ku sheegeen inaanay fududayn in xilligan la wada diiwaangeliyo dadka Dhimanaya, maadaama dadku aanay haysanin wax u fududeeya inay Xarumahaas gaadhaan.
S.D.N
