Uncategorized

Wasiirka Madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay Kana hadlay Talaabadii Lagu Xayiray Telefishanka Universal {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Mudo Bil ku dhow dalka ka maqnaa ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa.

 

Wasiirka oo Warbaahinta ugu waramayay Qolka nasashada ee madaarka Cigaal ayaa Sheegay inuu ka mid ahaa Weftigii Somaliland u matalayay Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ee lagu qabtay dalka Turkiga waxaa kale oo uu Wasiirku Xusay inuu ku biiray Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland ee Booqashada ku tagay Dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska waxaanu tilmaamay in Safarada uu ku soo maray wadamadaasi ay ugu soo dhamaadeen Jewi Wanaagsan oo Guul ah .

 

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Wax laga Weydiiyay Talaabada Maanta lagu Xidhay Telefishanka Universal ayaa sheegay in Cid kasta oo dembi ka gasha Qaranimada Somaliland ay Waajib tahay in laga qaado Talaabada ku haboon isagoo intaas  ku daray in dalku leeyahay Sharci kaas oo loo baahan yahay in loo hogaansamo.

IMG_0242 IMG_0245 IMG_0251 IMG_0252 IMG_0261 IMG_0272 IMG_0297 IMG_0313 IMG_0326 IMG_0348 IMG_0353 IMG_0378 IMG_0399 IMG_0409 IMG_0421 IMG_0422

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Wasiirka Madaxtooyada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirXirsi03.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com