Uncategorized

Markii Labaad oo Diyaaradi soo Fadhiisato Madaarka Magaalada Laascaanood iyo Baaqa Wasaarada Duulista

Laascaanood 05.Feb 2014 (SDN)- Gegida diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood oo muddo xidhnayd ayaa hadda si rasmi ah dib ugu bilowday hawlaheedii iyadoo duulimaadada diyaaradahu ay si joogto ah diyaaraduhu ugu  soo degaan garoonkaasi.

 

Laascaanood1Isuduwaha Wasaaradda duulista hawada ee gobolka Sool Md Saxardiid Bile cawed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu garoonku dib u bilaabay shaqadiisii, duulimaadaduna ay caadi yihiin.

Md saxardiid waxa uu ugu baaqay Shirkadaha isgaadhsiinta inay adeegsadaan garoonkaasi, ugana faa’iidaystaan dhinacyada Xajka iyo ganacsigaba isagoo ballanqaaday inay wasaarad ahaan garoonka diyaaradaha ee laascaanood u dhamaystiri doonaan adeegyada lagama maarmaanka u ah duulimaadada diyaaradaha ee isticmaalaya garoonkaasi.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com