Uncategorized

Wasiirka Macdanta oo ku qalqaalinaya shirkadaha shidaalka inay macdan ka baadhaan Somaliland

Hargaysa 05.Feb 2014 (SDN)-Wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay horumarin doonaan nidaamka looga faa’iideysan karo macdanta deegaannada Somaliland.

Wasiirka MacdantaWasiirka oo ku sugan dalka Koonfur Africa, oo uu ka socdo shirka arrimaha macdanta ee qaaradda Africa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay aaminsan yihiin in gargaar iyo kaalmo kaleba aysan qeyb ka qaadan dhismaha dal.

Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in inta uu joogo goobta shirka uu ka dhacayo uu isku dayey in uu ka dhaadhiciyo shirkaddaha macdanta in ay tagaan dhulka Somaliland, oo uu ku sheegay mid hodan ku ah macdan iyo shidaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in waddamada Africa ee gargaarka ugu badan helo ay yihiin kuwo dhibaatada ku dhex-jira, isagoo ku nuuxnuuxsaday in dadka Somaliland ay isku tashanayaan.

Wuxuu sheegay in miisaniyad sanadeedka Somaliland ay gaadhaysay $250 milyan, oo ah dakhliga gudaha ka soo xaroodo oo aysan jirin cid shisheeye oo kabtay.

Wasiirka waxa uu sheegay in lacagta xawaaladaha ee ka yimaada dibadaha ay sare u qaadaan dhaqaalaha Somaliland oo sanadkii dhan hal bilyan oo dollar.

Shirkadaha waa-weyn ee tamarta iyo macdanta ka shaqeeya ayaa ka fogaanaya in ay maalgashi weyn ku sameeyaan deegaannada Somaliland sababo la xiriira in Somaliland aan weli dal ahaan loo aqoonsan, in kastoo Somaliland ay sheegtay in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’day 1991.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com