Uncategorized

“Dhulka uu sheegayo ee Somaliland, annagu cidna u deba fadhiisan mayno” Wasiirka Gaashaandhiga oo ka Jawaabay hadalkii Madaxweyne Gaas

Ceerigaabo 05.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Caddami, oo hogaaminaya wefti balaadhan oo socdaal ku maraya bariga gobolka Sanaag, ayaa  ka hadlay hanjabaadaha Madaxwaynaha cusub ee Puntland ku sheegay inuu qabsanayo Gobollo Somaliland ka mid ah.

Wasiirka GaashaandhigaWasiir Caddami, oo isaga oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Warfidiyeenadu Weydiiyeen Damaca Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee uu Ku sheeganayo dhul ka mid ah Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, oo safarkiisa Bariga Sanaag ku gaadhaya xadka Somaliland la leedahay Puntland ee dhanka bariga Sanaag, ayaa ka hadlaya hanjabaadaha Puntland yidhi “Waxaasi waa waxba kama jiraan, qof cusubna marka uu meel yimaado hadalbuu iska tuuraa, markaa waxaanu u aragnaa inay tahay gef (Hadalka Gaas)”.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “carruurta kala xooga weyn ayaa isku hanjaba, Laakiin Maamuladu iskuma hanjabaan, hanjabaaduna waxba ma tarto sideedaba, laakiin dhibaatada uu doonayo waxba yaanu naga siinin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waa Nin cusub iyo caadadii, tijaabana la samayn maayo, dhulka uu sheegayo ee Somaliland, annagu cidna u deba fadhiisan mayno”.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com