Uncategorized

Walxo Qarxa oo Ciidamada Dawlada Federaalku Maanta soo Bandhigeen

Muqdisho 05.Feb 2014 (SDN)- Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay agabka laga sameeyo walxaha qarxa ee macmalka ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Xamarweyne.

Walxaha-qarxa-300x225Afhayeenka ciidamada boliiska Jeneraal Maxamed Yuusuf Madaale ayaa saxaafadda u sheegay in aysan jirin cid lala soo qabtay agabka, balse ay ku raad-joogaan dad looga shakisan yahay inay amni-darrada ku lug-leeyihiin.

Afhayeenka ayaa shacabka ugu baaqay inay degganaansho muujiyaan, isla markaana ay booliska kala shaqeeyaan sugidda amniga, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo laba habeen oo toddobaadkan ah duqeymo laga geystay magaalada Muqdisho.

Agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa ee ay maanta booliska soo bandhigeen ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen qalab loo adeegsaday duqeynta Muqdisho ka dhacday.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com