Uncategorized

Halkan Ka Akhri Magacyada Dad Maleeshiyada Khaatumo Ku Laysay Deegaanka Kalshaale Iyo Saaka Oo La Isku Wajahan Yahay

Buuhoodle:09-Feb-2014(SDN)-Maleeshiyada Khaatumo ee Fadhigeedu Yahay Magaalada Buuhoodle, ayaa Shalay Makhribkii Weerar ay Dad ku laayeen ku soo Qaaday Shacab ku Sugnaa Deegaanadii Hore dagaaladu uga Dhici jireen Ee Khalshaale.

mal amlMaleeshiyaddan ayaa Soo Badhtilmaameedsatay Shacab Xoolo Dhaqato ahaa oo  Joogay Dhinaca Bare Ee balliga Kalshaale ooh ore murano uga Dhaceen, waxana iyagoo Tikniko Wata ay Halkaas  Dhimasho iyo Dhaawac ugu geysteen Dadkii Halkaas ku Sugnaa.

Sida ay Qurbejoog.com u sheegeen Dad deegaanku waxa Maleeshiyada Khaatumo oo Adeegsnaya Hubka Noocyadiisa Kala Duwani ayaa Halkaas ku  Dileen Hal Nin, halka ay Mid kalena Dhaawac xun ka Gaadhsiiyeen.

 

Ninka Dhintay oo Isla Xalayba Lagu Aasay Magaalada Qorilugud, ayaa La Odhan Jirey Marxuum Xiis Ismaaciil Aw Xasan oo Da’diisa Lagu Qiyaasay 28-Jir.

Sidoo Kale Waxa Dhaawac culusi Soo Gaadhay Axmed Biiq oo isaguna Ahaa Da’da Kontameeyada, waxana Dhaawaciisii Loo Soo Qaaday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wararka aanu Helayno ayaa sheegaya inaanay Ciidanka Qaranka ee Halkaas ku sugani aanay Wax tallaabo ah  wali Qaadin, waxana La Sheegayaa in Saaka La Filayo in Mar kale Gacanta la Is Geliyo.

Dadka Ka Soo Jeeda Deegaanka Qorulugud ayaa inta Badan ciidanka Qaranka ka Sheegta Tacadi dheeraad ah oo ay kaligood ku cadaadiyaan inaanay Tallaabo Qaadin, waxana Ay dadkaasi Weeraro kan Haatan Dhacay oo kale ah ay ka Sheegtaan Kooxaha Nabad-diidka ah oo iyagu aan cidna ka Amar qaadan.

 

Lama oga sida arrintu  Noqon doono, waxase la filayaa in  Saaka ay xaaladda  Deegaanku wax weyn iska Beddesho Haddii aan Ciidanku Aagaas ku Bixin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com