Muqdisho:09-Feb-2014(SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Markii ugu HOraysay Afkiisa Kaga Jawaabay Eedo Kulul oo Dhawaan Kaga Timi Sarkaal Maraykan ah oo LLag Magacaabo James Claper.
Madaxweynaha ayaa Gees iskaga Duway Eedahaas oo ahaa qaar la Xidhiidha Awood Darro iyo Taagyari ka Muuqata Hannaankiisa HOggaamineed ee Xilligan.
Madaxweynaha oo u warramaay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in hadalka uu sheegay dhawaan Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper uu ahaa mid aan sal lahayn oo Lagu Degdegay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay inaanu garanaynin halka uu ka keenay warkan James Clapper oo lagu duraayo maamulkiisa, maadaama xaaladda uu sheegay aanay dalka ka jirin.
Wuxuu tilmaamay in aanu jirin dagaal-siyaasadeed oo maanta ka socda dalka Soomaaliya marka la barbar dhigo Waqtiyaddii hore, wuxuuna ugu baaqay agaasimaha hey’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper inuu booqasho ku yimaado Soomaalia, si uu ogaado xaqiiqda, kadibna uu isku dheelitiro xaalladaha taagan.
Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah hadal uu sheegay sarkaalka ugu sareeya hey’adda sirdoonka Maraykanka oo hoggaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid diciif ah oo aan wax badan ka badali karin arrimaha Soomaaliya.
Shalay ayey ahayd markii uu Afhayeenka Madaxweynaha Eng. Yariisow uu isla Eeddan ka Jawaabay, isagoo ku Tilmaamay mid aan Caddaalad ku Dhisnayn.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
